Baydhabo(INO)-Ka dib is jiid jiid siyaasadeed oo in mudo ah uu Hareeyey siyaasiinta gobolada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa horaantii bishii December ee la soo dhaafey lagu guuleystey in la isku keeno, ka dib dadaalo ay sameeyeen Xildhibaano ka tiran DF soomaaliya, Isla markaana Ka Soojeedaan Degaanada KG Soomaaliya.
Hadaba, Isku day dib u heshiisiintaasi ee laga dhexdhexaadinayey maamulada KG6 & KG3 ayaa ugu muuqda in ay fashilmeen, sida la wada ogsoon yahay wadahalada u dhexeeyey labad dhinac waxaa intaa soo gaarsiiyey Xildhibaano kasoo jeeda gobolada koonfur galbeed ee ku jira Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa hormuud ka ahaa wadahadalada waxayna damacsanayeen in lasoo afjaro khilaafka daba dheeraaday ee gobolada koonfurta Soomaaliya, wadahadalada ayaa soo bilaawday horaantii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.
Xogta aan ku heleyno magaalada Baydhabo Janaay ayaa sheegaysa wadahadalka muda bil iyo barka soo socday ayaa hada la sheegayaa in uu gaabis ku yimid, iyadoona la tilmaamayo gaabiskaas in uu ka jiro dhanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Isla markaana waxa la sheegayaa in ay sii dhamaneyso rajadii laga qabay in lagu mideeyo maamulada KG6 iyo KG3.
Balse Shacabka Baydhabo Janaay ayaa raja ka qaba in ay dib u bilaawdaan wadahadaladaas iyadoo waxgaradka Gobalka ay isku dayi rabaan sidii loo dhameystiri lahaa Wadahadalada u dhexeeya Maamulka Koonfur Galbeed ee dhinacii Madoobe Nuunoow iyo Shariif xasan oo ah Madaxweynaha Koonfu galbeed ee 3da Gobal,
Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Guurtada Nabadoon Ugaas Nuur Ugaas ayaa sheegtey inay wadahadaldii u dhaxeeyey Golaha Guurtada ee koonfur galbeed iyo Maamulka 3da Gobal ay Fashilmeen , iyadoo Heshiiskii uu ka baxay Shariif Xasan oo ah Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee heshiiska labada dhinac ay wada gaareen bilihii la soo dhaafey ayaa ahaa in la sameeyo abood qiibsi 50% dhinac weliba isla markaana madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah gollaha wasiirada la siyo garabka Madoobe Nuunow Maxamed iyo sidoo kale in la bixiyo daymo badan oo lagu yeeshey maamulkii lixda gobol, balse sida ilo xog ogaal ahi inoo sheegeen arintaasi weli ma dhaqan galin ,iyadoona madaxweyne shariif xasan Sheekh Aadan ay ku eedayeen Heshiis ka bax iyo inuu ku soo buuxiyey gollaha wasiirada Dad aan degaanka ahayn isla markaaan iminka uu wado inuu soo magacaawo 5 wasiir oo 3 Ka Mid ah aan degaan ku lahayd gobolada koonfur galbeed soomaaliya, waa sida ay sheegeen.
Ugu Dambeyntii Magaalada Baydhabo waxaa ka jira Dowlad Goboleed Si buuxdo ay u taagyeersan yihiin Dowlada soomaaliya, AU,QM iyo Urur Goboleedka IGAD Isla markaana iminka ay ku mashquulsan tahay dadajinta howlaha Dowlada iyo Raadinta Geeda socodka Nabada ee gobolada Koonfur Galbeed soomaaliya walow dhaliilo badan ay ka tabanayaan Siyaasiyiintii La midoobey Dowlada koonfur Galbeed soomaaliya.