Maxaad Kala Socotaa Halka uu Marayo Dhismaha Baarlamaanka Jubba?+ Beelaha Raxanweyn Oo Saluugsan

0
255

Kismaayo(INO)-Wararka Shabakada Shabakadda Idale News Online ay  ka helayso shaqsiyaad ku sugan  Madaxtooyada Kismaayo ayaa noo xaqiijiyey in, abaabulkii dhismaha Baarlamaanka deegaanada Jubbooyinka ee maalmahan ka socoday Magaalada Kismaayo, uu xiligan galay waji cusub isla markaan la joojiyey gabi ahaanba hawlhihii dhismaha Baarlamaanka Jubba gudiyadii shaqooyinkaas hayeyna Habeenimadii xalay lagu wargaliyey in ay Joojiyaan hawlaha Baarlamaanka.

axmed-garoowe

Wararka oo aan ka helay Madaxtooyada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose  ayaa sheegaya in arinta ay sabab u tahay khilaaf xoogan oo gudaha Kismaayo ka jiray kaas oo Beelaha deegaanku ku kala aragti duwanaadeen habka loo dhisayo Baarlamaanka Jubba,iyadoo xaalada guduhu ay gaadhay heer salaadiinta ugu dhawaa Hogaamiye Axmed Madoobe ay go’aan cad ka qaataan hawsha dhimaha Baarlamaanka Jubbooyinka.

Waxaa jira hadalo isdabo mar ah oo Madaxda Maamulka Jubba lagu haysto kuwaas oo ay kamid yihiin in ay isticmaaleen Magaca IGAD iyo Beesha Caalamka iyagoon sheegin qaab iyo wadad saxda ah ee loo tilmaamay in ay maraan taasina waxay keentay shaki wayn oo lagu hakiyey dhismihii Baarlamanka Jubbba ee xiligan Kismaayo loo fadhiyey.

Ugu Dambwyntii beelaha Raxanweyn ee dega jubooyinka ayaa saluugsan xulid baarlamanka jubba iyagoona hogaamiyaha jubba ay ku eedayeyey inuu caburin ku  haayo isla markaana aaney ka  hadlin karin qadiyadooda  iyo fikirkooda  baarlamanka, taasoo  lid ku ah Heshiiskii dhawaan lagu  saxiixey magaalada kismaayo.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here