Sidii horeyba loo filaayay Ciidanka Kenya, ayaa caawa hawlgal ka wada Xaafada Islii ee Magaalad Nairobi, iyadoo ay hawlgalka ku qab qabanayaan dad badan oo Soomaali ah.
Goobjooge ku sugan Xaafada Islii, gaar ahaan Wadada toddobaad (7 Street), ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay guryaha galayaan, kana samaynayaan baaritaano ka dhan ah Soomaalida.
Ciidamada waxay wateen Soomaali badan, iyadoo aysan weli soo gaba gabeen hawlgalka, kana sii soconaayo Xaafada Islii, oo ka tirsan Degmada Kamukunji.
Dadka lagu qab qabanaayo hawlgalka caawa ka jira Xaafada Islii, ayaa isugu jira dad Sharci iyo kuwa aan lahaynba, lamana garanaayo halka ay la taggayaan Ciidamadu.