Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Isllii ee Magaaladda Nairobi ayaa sheegey in saakey xaaladu xoogaa deegentaahay marka loo eego maalmihii ina soo dhaafey oo ay halkaasi ka socdeen raaf ka dhan ah Somalida.
Xalay ciidamada Milatariga Kenya waxa ay galeen xaafada 12 Street, waxaana ay ka qabteen ku dhawaad 2 boqol oo Soomaali ah, kuwaasoo isugu jiray Odayaal, Dhalinyaro, Haween, Waxayna wararku shegayaan in qaarna lagu sii daayay dhaqaalo, kuwii awoodi waayayna xabsiga la dhigay oo xalay ay ku baryeen.
Xaalada saaka waa mid dagan, inkastoo aroor hore ay tahay, hadana ma jiraan raaf socda, balse ciidamada wali waxaa xarun u ah xaafada Soomaalidu ay ku badan tahay ee Islii, waxaana la soo sheegayaa in xili kasta ay bilaabi karaan Raafka ka dhanka ah Soomaalida.
Idale News Online,Kenya.