Maxaa laga filan karaa doorashooyinka Somaliya?

0
171

Baydhabo(INO)- Marka aad si dhow u eegto qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa laga filan karaa rajo beel uun, haddii musharaxiinta lagu soo xulaayo lacagaha faraha badan ee ay adeegsanayan, oo waxa socdaa aysan ahayn doorasho xalaal ah.

Doorashooyinkan waxay is hortaag ku noqonayan dadkii waddaniyiinta ahaa, ee laga filan karay inay dalka iyo dadkaba wax u qabtaan, kuna hogaamiyan horumar la taaban karo.

Guddiyada doorashooyinka ee ka hawlgelaya magaalooyinka lagu soo dooranayo Xildhibaanada Aqalka Hoose, ayaa musharax kasta oo tartamaya ku xiray inuu bixiyo lacag dhan shan kun oo dollarka Mareykanka ($5,000), haddii kalana aanu qayb ka noqon doonin tartankaasi.

Waxaana wax lala yaabo noqday in musharaxiin badan laga hor istaagay inay tartamayan, sababo ku aadan, iyadoo laga dhex arkay inay liddi ku yihiin danaha shakhsiyaad gaar ah.

Haddii aysan dhicin wax mucjiso ah, ayay dadka badankii qabaan in markale ay soo laaban doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xertiisa, kuwaa oo afartii sano ee la soo dhaafay aan la imaan waxqabad la taaban karo.

Xerta Madaxweyne Xasan Sheekh oo loogu yeero (Dam Jadiid), ayaa albaab kasta u garaacaysa, sidii ay markale ugu soo laaban lahaayen Villa Somalia.

Heerka uu gaaray musuq maasuqa.

Siyaasiyiinta Somaliyeed iyo dadka kale ee u dhuun duleela, ayaa waxay kuu sheegayan in wax lala yaabo ay tahay heerka uu gaaray musuq maasuqa hareereeyay doorashooyinka (2016).

Indheer-garadka, ayaa kuu sheegaya in musuqu uu saameeyay Odayaasha Dhaqanka, isla-markaana aanu ku koobnayn ergada soo dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay laaluush ku aamusinayan Nabadoonadii, Isimadii, Salaadiintii iyo Ugaasyadii, si aysan uga hadlin ergooyinkii la bedelay.

Warbaahinta, ayaa waxaad ka maqleysaa in la gacan bidixeeyay musharixiinta, waxaana aad u yar inaad maqasho cabasho iyo ashtako ka soo yeeraysa Odayaashii Dhaqanka.

Qaylo dhaanta dhaqanka waxaad dareemeysaa inaysan u badnayn sida musharixiinta, iyadoo aad halkaa ka xaqiiqsaneyso in dhab loo qaadan karo, waxa ay ku sheegayan indheer-garadku.

Beesha Caalamka iyo doorashooyinka Somaliya.

Beesha Caalamka oo looga bartay in ay si adag uga hadasho arrimaha Somaliya, ayaa waxaad markaan mooddaa inay indhaha ka laabatay habka ay wax u socdaan.

Taasi lama dhihi karo in ay taageersan tahay hannaanka siyaasadeed ee Villa Somalia, balse ay u gogol badinayso, hadhowna ay bayaamin doonto khalafsanaanteeda.

Soo xulista Xildhibaanada Aqalka Hoose, ayaa ku soo aaday daba-yaaqada sanadkan sii dhammaanaya, xilli Wadamada Reer Galbeedku ku mashquulsan yihiin u diyaar-garowga ciidda Masiixiga, iyadoona loo fasiran karo mid ka mashquulisay musuq maasuqa hareereeyay Aqalka Hoose.

Iskusoo wada-duuboo dadka Somaliyeed oo isha ku haya sida ay wax u socdaan, ayaa wada xaqiiqsan in is daba-marintii ugu ballaarneyd lagu sameeyay kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.