Maxaa kasoo baxay baydhabo janaay iyo wararkii ugu danbeeyay

0
188

 

Odayaal ka kooban 30 xubnood oo ka mid ah Golaha Guurtida koonfurgalbeed ayaa loo xulay kulanka Madaxweynaha Federalka Hassan Sheekh, oo Baydhabo labo maalmuud ku xariranaa xero militeri ah eek u taala Baydhabo.

Odayaashaas oo ay soo xuleen Maamulka sare ee Koonfurgalbeed, kuwaas oo isugu jiray dhamaan bulshada deg-degta koonfurgalbeed. Odayaashaas waxa ay wakiil ka ahaayeen Madaxweynaha Koonfurgalbeed.
Odyaashaas oo ahaa kuwii dhulka u soo jiiftay mudo hal sano iyo ka badan inay dhisaan mamulka lixda gobo lee koonfurgalbeed.
Qodobadii La isla gartay waxaa ka mid ahaa:
1. In dowlada federalak ay aqbashay rabitaanka shacabka inaan laga horimaan karin wax kasto, isla markaasna diyaarna u tahay inay kala shaqayso dhamaytirka dowlada cusub ee noo curatay
2. In beesha caalamka, markii hore dadka lagu cabsiin jirey ay garowsatay in rabitaanka shacabka koofur galbeed uu xaq yahay mudan yahay na in la taageero.
3. In Madaxweyne Xassan sheikh ku soo laaban doono baydhabo si rasmi ah ay uga qayb qaataan dhamaystirka howlaha qabyada ah.
4. In Ra’iisul wasaaraha uu toos ula hadlay madaxweyne madoobe Nuunow una sheegay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowlada koofur galbeed.
Guushaas waa bilow, waxaana saba u ah, dhamaan umadda koonfurgalbeed, oo qaar loo dilay iyagoo safar ku jira, qaar banaanbax ku dhinteen, qaar habeen iyo maalin dukaamadooda xireeen, qaar taageeo dhaqaale, warfaafinta koonfurgalbeed ee xalaasha ah, iyo dhamaan shacabka.
Golaha Guurtida Koonfurgalbeed.
Idale News Online Baydhabo