Muqdisho(INO)-Warar laga hellayo xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka John Kerry uu booqasho ku tagi doonno magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia.
Booqashada Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka uu ku imaanayo magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in loo shaacin waayay oo loo qariyay sababo dhanka amaanka ah iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay sheegtay kaliya inuu safar ku tagi doonno dalalka Kenya iyo Jabuuti laakin aysan xusin inuu Somalia booqan doonno.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u sheegay Idale News Online in Maraykanka ay ku wargaliyeen galinkii dambe isniinta madaxda dowladda Somalia in xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry uu booqasho ku imaanayo magaalada Muqdisho.
Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay magaalada Muqdisho waxana jiro dhaq dhaqaaqyo ay sameenayaan ciidmaada amaanka gaar ahaan kuwa nabad sugidda iyadoo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaaashan oo horey loogu yeeri jiray Alpha Group lagu arkayay iyagoo gaadiidka iyo dadka u diidaya agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wixii warkaan kusoo kordha dib ayaa idinkala soo socod siin doonaa.
Idale News Online, Muqdisho