Wararkii ugu dambeeyey ee Naga soo gaaraya degmada Marka Cadeey ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in xaafado katirsan degmadaasi ka dhacayaan Rasaas goos goos ah.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo katirsan Beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal waxaana Xaafada Buula jaan hadda lasoo sheegayaa in ciidamada Habar Gidir ay baaritaano ka wadaan.
Dadka deegaanka ayaa saaka Aroortii Bilaabay inay barakacaan iyadoo intii ka baqday dagaalka in waxyeelo ka soo gaartana ay hadda bilaabeen xaaladu markii ay degtay inay guryahooda ka cararaan.
Maleeshiyaadka La wareegay Degmada Marka Saaka ayaa waxa wararka aan helayno sheegayaan in si gaar ah meelaha Qaarkood u galeen walaw wax dhibaato ah aan lasoo sheegin ay geysteen.
Wixii kasoo kordho Xaalada Magaalada Marka Dib kala socda insha allah.
Idale news Online, Marka. Nagala Xariir Email idalenewsonline@gmail.com