Tahran(INO)-Feil Mood oo ka tirsanaa sirdoonka dalka mareykanka (CIA), haddana ka ah channelka CNN-ka ka faalleeyaha arrimaha aminga iyo la dagaalanka argagaxisada ayaa yiri “in Iiraan ciidamo u dirto dalka Yemen waa arrin fog, balse suuragal ah”.
“haddii arrintaas ay dhacdo Iiraan waxay isku biimeyneysaa dagaal ku baahi kara mandhiqada bariga dhexe oo dhan una dhaxeeya Sunniyiinta iyo Shiicada oo ay dagaal toos ah kala hor imaaneyso dalalka Sucuudiga iyo Masar” ayuu yiri Mood.
Mar wax laga weydiiyey in ay suuragal tahay in la arko ciidamada Iiraan oo galaya Yemen si ay u caawiyaan kooxda Xuuthiyiinta mise waxay ku gaabsan doontaa in hub iyo hanti u dirto shiicada Yemen ayuu yiri “Arrinkaan waa mid fog,balse suuragal ah, sababtana waa mid fudud, waxaa jiro ciidamo carbeed oo aan ka hadleeynin oo kaliya duqeymo dhanka cirka ah balse qorsheynaya duulaan dhanka dhulka ah”.
“Haddii ay Iiraan ciidamo lugta ah u dirto dalka Yemen, dagaalkii qaboobaa ee ka jiray bariga dhexe ayaa si fudud isugu baddalayo dagaal kulul oo toos ah, iyadoo Masar iyo Sucuudiga ay matali doonaan Sunniyiinta dunida ku nool oo dhan, iyadoona Iiraan ay matali doonto dhanka Shiicada adduunka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.