Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee ka qeyb galaysa shirka Doolow oo sheegay inay diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobada lagu heshiiyay.

0
168

Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee ka qeyb galaysa shirka Doolow oo sheegay inay diyaar u yihiin dhaqan galinta qodobada lagu heshiiyay

Masuuliyiinta Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobalka Gedo ayaa sheegay in ay aad u soo dhoweynayaan qodobadii lagu heshiiyay shir-weynaha nabadeed ee ka soconaya degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Afhayeenka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Isxaaq Al-qaadi ayaa sheegay in ka Ahlu Sunna ahaan ay aad u soo dhoweynayaan qodobada la isku afgartay shirka Doolow ka soconaya.

Waxa uu soo hadal qaaday in la isku afgartay in qolo kasta ay ka shaqeyso nabadda sidaa darteedna ay dhankooda diyaar yihiin.

Degmada Baladxaawo waxaa ku dagaalamay ciidamo ka kala tirsan dowladda oo taabacsan dhanka Ahlu Sunna iyo ciidamo kale oo la sheegay inay taabacsan yihiin maamulka KMG ee Jubba.

Dhinaca kale waxgaradka shirka ka qeyb galaya ayaa sheegay in lagu guuleystay qodobada looga hadlayo shirka nabadeed ee degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Maalmaha soo socda ayaa la soo gebagebeynayaa shir-weynaha nabadda ee degmada Doolow ka soconaya waxaana kaalin ku leh sidoo kale shirkaasi wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka.

Sh. Xuseen Alqaadi, ahlusunna

Idale News Online, Doolow.