Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire NicholasKay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.
Ammaanka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ammaanka iska kashanaya ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Wafdiga danjiraha waxaa ku jira mas’uul ka socota hay’adaha UNICEF, UNDP, UNOCHA iyo FAO sida xaqiijiyeen Maamulka Magaalad aJowhar.
Danjiraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kubbadda cagta ee xaafadda Kulmis ka dejisay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter), waxaana loo sii gudbiyay xarunta Xiriirka Shaqaalaha oo horay loogu sii diyaariyay.
Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo ciidan gaar ah oo ka yimid Muqdisho ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka magaalada.