Sadaxda sano ee nogu soo aadan, in kabadan hal milyan oo caruur soomaali ah aya helaya fursad dhab ah oo ay dib ugu bilaabayaan, ayna helayan waxbarasho lacag la’aan ah 20-sano kadib.
Mashruuca “Aada Dugsiyada” waa fikrad ka timid wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada.
Waxaa la dhisayaa ama la dayac tirayaa boqolaal skuula ah, waxa la bixinayaa qalab dhalinyaro wax ku bartaan, waxa la taageerayaa lana tabo barayaa macalimiin cusub, sido kale waxa lagu dhiiro gainayaa waalidiinta iyo bulshada iney waxbarashada gabdhaha mudnaanta kowaad siiyaa iyo wiilashaba.
In badan oo kamid ahna, waxey u noqoneysaa marki ugu horeyse ee waxbarasho helaan. Tani waa ololaha ugu weyn oo caruurta Somaalia fasalada lagu geeynayo in kabadan 20 sano.
Mashruucani wuxu noqonayaa mid badala barta dhibaatooyinka iyo dowlad la’aanta ee Somalia caanka ku noqotay dagaaladii sokeeye.
“Caruurta iyo dhalinta yar oo waxbarasho la siiyo waxey muhiim u tahay mustaqbalkooda, kan reerkooda iyo bulshada guud. Laakin waxbarashadu sido kale waxe y muhiim u tahay nabadeynta iyo xasiloonida. Waxbarashada waxey noqon kartaa calaamada nabadeynta Somaaliya”, aye tiri wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada, Dr. Maryan Qasim.
DAAWO VIDEO-GA
[vsw id=”KEnPlESg9VQ” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Idale News Muqdisho