Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Masar Maxamed Kemal ayaa u yeedhay Safiirka Itoobiya u jooga Dalka Masar Maxamuud Dirir.
Qoraal galabnimadii maanta lagu shaaciyay Wargayska Al-Ahram ee ka soo baxa Dalka Masar ayaa la sheegay in Safiir Maxamuud Dirir wax laga waydiiyay qorshaha Dowladda Itoobiya ay ku leexinayso Biyaha Nile.
Madaxda Waaxda arrimaha Afrika u qaabilsan Dowladda Masar Ambassador Ali Hefny Iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa gudoon siiyay Maxamuud Dirir qoraal Wasiirka arrimaha Dibadda uu saxiixay oo ah in Masar aysan ku faraxsanayn Xaaladda Biyaha Nile.
Itoobiya ayaa bilowday inay leexiso Biyaha Nile Maalinimadii shalay Iyadoo kolba inyar sii daynaysa si aysan u dhacin Biyo Fatahaad.
Sawirka Maxamud Dirir Safiirka Itoobiya Masar u Jooga Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Maxamed Kemal
Afhayeenka u hadlay Dowladda Itoobiya Bereket Simom ayaa ku tilmaamay talaabaddan mid Taariikhi ah.
Xidhitaanka Biyaha Nile ayaa waxaa si guud u soo dhaweeyay Mucaaradka Itoobiya marka laga reebo Mucaaradka hubaysan oo aan wax haddal ah ka soo saarin.
Sufuxi ku suggan Magaaladda Addis Ababa oo diiday inaan faafino Magaciisa ayaa isagu Ogadentoday Press u sheegay in xidhitaanka Biyaha Nile dagaal uu isu baddali doono balse aysan hadda ahayn.
Masar Iyo Sudan ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo Ururka Jaamacadda Carabka iskugu yeedhaysa.