Masar iyo Itoobiya oo heshiis hordhac ah ka gaarey muranka Wabiga Niilka Buluuga

0
207

Muranka Biyaha Nile ee u dhaxeeyay Itoobiya Iyo Masar ayaa maanta laga gaadhay hishiis hordhac ah.

Wasiirada arrimaha dibada ee Itoobiya Iyo Masar ayaa sheegay inay la qaban doono wadda hadalo u dhaxeeya dalalka Itoobiya, Masar Iyo Sudan oo looga hadlayo arrimaha Biyaha Nile oo muran xoogan uu ka jiray maalmahan.

masarItobiya

Wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa sheegay in xidhiidha Masar Iyo Itoobiya uu yahay mid walalnimo ku salaysan oo aan xumaan lagana wada hadli doono biye xidheenka iyo sahmaynta uu yeelan karo.

Masar ayaa horey u sheegtay in talaabo walba qaadi doonto oo ay Biyaha ku difaacayso iyadoo xataa sheegtay in Ururadda Mucaraadka Itoobiya ay hubayn doonto

 

Idale News Online, Mogadishu, Somalia