Mareykanka Oo Saraakiil Milatari U Soo Daad Gureeyay Soomaaliya Warbixin.

0
162

Muqdisho: Sida saraakiil ay ka soo xigatay Washitgong Post,Lataliyaal dhanka Milatariga oo ka socda Mareykanka ayaa si qarsoodi ah loogu soo daad gureeyay Soomaaliya Bishii October,waana markii ugu horeysay oo Ciidamo Mareykan si rasmi ah u saldhigtaan Soomaliya tan iyo 1993,markaasi oo Labo diyaarad Helicopter ah laga soo riday Mareykanka 18-askarina laga dilay.

Waxaana Mareykanka dhacdadaasi ugu magacdaray “Masiibo Qaran”.

Unugyo ka tirsan Milatariga Mareykanka ayaa ku sugan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,kuwaasi oo shaqadooda lagu sheegay inay tahay la talinta iyo isku xirka howlgalada ay sida wadajirka u sameynayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ee la dagaalamaya Ururka Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Al-Qaa’ida,sidaasi waxaa laga soo xigtay Seddex Sarkaal Malitari oo Mareykan ah.

“Mareykanka wuxuu dhisay Malitari Mareykanka ah oo la shaqeeya Soomaaliya,waxaana u jeedka ay tahay inay siiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida La talin dhanka malitariga ah,si loo hormaro awooda Nabad galyada Soomaaliya,” ayuu yiri Afhyeenka Ciidamada Mareykanka ee Africa , Colonel Tom Davis.

Saraakiil wasaarada difaaca Mareykanka ka tirsan ayaa Al-Jazeera waxay u sheegeen in Tirada Saraakiisha Mareykanka ay ka yeryihiin Shan,laakiin waxay arintaan muujineysa talaabo weyn uu Mareykanka horay u qaaday,ayay yiraahdeen.

Ciidamada AMISOM ayaa Dowlada Soomaaliya waxay ka caawiyaan dagaalka lagula jira Dagaalyahanada Al-shabaab.

U.s Army

Idale News Online