Muqdisho (INO) — Howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa sahay militari ugu yabaahay Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM, si ay u xoojiyaan Dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab.
Qalabkan militari oo ka yimid Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM waxaa u guddoomay Madaxda Ciidamada Burundi ee qeybta ka howlgalka AMISOM, Kabtan Ndikumana.
Kabtan Ndikumana ayaa waxuu shaaca ka qaaday in agabkaasi loogu deeqay uu wax badan u tari doono Ciidamada AMISOM oo howlgallo kala duwan ka wada Koonfurta iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.
Mareykanka ayaa inta badan waxuu howlgalka AMISOM ka taageeraa Weerarada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab xubno ka tirsan oo ku sugan Koonfurta Dalka Soomaaliya.
Sikastaba, Ciidamada Mareykanka, AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay waxey howlgallo lagu beegsanayay Al Shabaab ay ka sameeyeen Degaano dhaca Gobolka Jubada Hoose.