Majaajileyste Cabdi Maxamuud Ilkacase oo Ku geeriyooday Muqdisho

0
294

Allaha Unaxariistee waxa maanta duhurkii ku geeriyooday Magaalada  Muqdisho Majaajileystihii Caanka ahaa Cabdi Maxamud Ilkacase.

Meydka Marxuumkaasi ayaa laga helay guriga uu ka deggenaa Muqdisho waxaana la ogeyn xanuunka uu udhintay.

C/kiriin Faarax Qaareey (Jiir) oo ka mid ah Bahda Fanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu xaqiijiyey geerida Majaajileyste Cabdi Ilkacase.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa majaajileystayaasha ugu caansanaa ka qoslinta dadka iyadoo lagu xasuusan doono Ruwaayado ay ka mid tahay (RUWAAYADII LACALA).

INAA LILLAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

warta-Nabadda-35
Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here