Dowladda Jamhuuriyada Djibouti ayaa waxaa ay soo bandhigtay Cadeymo rasmi ah oo ku saabsan Dadkii ka dambeeyay weerarkii is Qarxinta ahaa Ee 25 Bishii Maty Ee Dhamaatay Labo Ruux oo al shabaab ahaa ay ka fuliyeen Magaalada caasimada u ah Jabuuti Gob laga Cunteeyo oo ay ku sugnaayeen Inta badan Dad ajaanib ah .
Hay,adaha Sirdoonka Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay si Cad ugu dhawaaqeen Magacyada Labada Ruux Ee is qarxiyay oo ahaa Nin iyo Xaaskiisa waxaana Shir jaraa,id oo ay magaalada jabuuti ugu Qabteen saxaafada ku dhawaaqay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Jabuuti Maki Cumar cabdul aqadir iyo Col Cumar Xasan Taliyaha Dambi Baarista Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Djibouti
Saraakiishaan ayaa waxaa ay sheegeen in labada Ruux ay ka soo jeedaan Dalka Somalia isla markaana ay dalka Jabuuti soo galeen waqti dhaw oo ah Maalintii Khamiistii 22 May Subaxii hore waxaana lagu kala Magacaabi jiray sida saraakiishu ku dhawaaqeen Muuse Rooble Hiraabe iyo Hodan Maxamed Ciise labaduba waxaa ay ka soo Gudbeen Degaanka lowya Cade lagu magacaabo Ee Xaduudka Jabuuti la wadaagto Dalka Somalia iyadoo Saraakiishani ay carabka ku dhufteen in Askari Booliska Jabuuti ka tirsani uu Talaabadaan u Fududeeyay labada Ruux oo ay Hoygiisa ku sugnaayeen ka Hor inta aysan is qarxin .
Taliyaha Dambi Baarista Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Jabuuti Ninka lagu Magacaabo Cumar Xasan ayaa waxaa uu sheegay in Falkaas ay u soo qabteen Ciidanka amaanku 7 Ruux oo ay Maxkamada u Gudbiyeen isagoo Xusay in wax saameyn ah uusan Falkani ku yeelan doonin Somalida ku nool Dalkaas.
Afhayeenka Al Shabaab Cali dheere oo isagu sheegtay Mas,uuliyada Weerarkaas in shabaab ka Dambeeyeen ayaa waxaa uu sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan Ururka Nato ay ku dileen isla Markaa waxaa uu u Hanjabay madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay in Al shabaab Dhibaato ku yahay.
Idale News Online, Djabuuti.