Baydhaba: Ayaadoo dhawaan wareysi xiiso badan Idaacada ku hadasha Afka dowlada ingiriiska ee BBC laanta Afka soomaaliya ay la yeelatay Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Steering Commitee ee shirka Baydhabo janaay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, kuwaasoo wax ka way disey arimo ku saabsan dhsimaha dowlad Goboleedka KG soomaaliya, ayaa waxa si aan gegebo lahay ugu war bixinyey madoobe nuunow.
Madoobe nuunow maxamed ayaa sidoo kale xusey in rabitaaanka bulshada lexda Gobol ay tahay in ay dhistaan maamulka ku saleysan, calaad iyo sinaan ee KG soomaaaliya , waxaana maashaasai ka saarey, maamulka jubba ee hadda taliya Magaalada kismaayo, islmarkaana waxa uu ku nuxnuxsadey in aaney maamulkaasi ku dhisneyn rabitaanka bulshada jubooyinka balse yuuri ay soo dhoob dhoobeen qaar ka mid ah dowladaha dariska la ah dalaka soomaaliya oo ay hormuud ka tahay kenya.
Wareysigaaasi oo qaadayay weriye Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa umuuqday mid weerar ku ahaa dhismaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaali ya kaasoo gebogebo maraayo, islamarkaana shaley la saarey calanka Dowlada KG soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madoobe Nuunow Maxamed ayaa isna si adag u difaacay qadiyadda dad weynaha koonfur galbeed soomaliay , waxaana dowlada iyo kuwa doonaya xasiloonida Koonfurta&Koonfur galbeed ugu baaqey in ay yimaadaan shirka baydhaba janaay.
xasan Basha.
Idale News Online, Baydhaba