Maxamed Aadan Tiiceey, madaxweynihii Ximan iyo Xeeb oo lala xirey Madaxii Burcad badeedka Afweyne xabsi ku yaala dalka Belguim

0
303

Sida ay shaacisay Wakaalada wararka Belgium ee Belga waxaa maanta xabsi ku yaal magaalada Brussels loo taxaabay Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) oo kamid ahaa madaxda burcad badeeda Soomaaliya xili uu saarnaa diyaarad ka tagtay magaalada Nairobi maalintii sabtida ahayd iyadoo ilo kamid ah garsoonka dalka Belgium ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in loo haysto dacwado dhowr ah.

ticeey
Sidoo kale ayaa warar uu baahiyay TV-ga Aljazeera waxaa lagu sheegay in Madaxii burcad badeeda Soomaalida lala qabtay Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) oo isaga laftiisa wax badan laga saaro falka burcadbadeeda Soomaalidu ay ka gaystaan xeebaha Soomaalida iyadoo sidoo kalena maamulkiisii Ximin iyo Xeebna in badan lagu eedeeyay la macaamilka iyo gabaadsiinta Burcadbadeeda Soomaalida xiligii u madaxweynaha ka ahaa Tiiceey Ximin iyo Xeeb.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Belgium Mr Johan Delmulle ayaa sheegay in ragan loo haysto Markab ay leedahay dowlada Belgium oo koox Burcadbaeeed ah qabsadeen sanado ka hor. Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay qasab noqotay in la adeegsado xubno ka tirsan sidroonka kadib markii ay u muuqatay in aysan wax tar lahayn hadii loo jaro amar xarig ah oo Caalami.
Waxaan la ogayn in safaarada Soomaaliya ee Belgium ay arimaha ku saabsan xariga Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) iyo Max’ed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey).ay daba gali doonto iyo in kale maadaama ragani ay haystaan dhalashooyin kale.

Idale News Online