Qudur(INO)_ Shimon Peres oo da`da 93 ku geeriyooday islamarkaana habeenkii arbacada naftu ka baxday ayaa waxaa 13-kii bishan Semtember ku dhacay xanuun dhanka madaxa ah kaas oo uu ugu dambeyn u geeriyooday, sida ay xaqiijiyeenehelkiisa.Mr. Peres ayaa ku geeriyooday cusbitalka caanka ah ee Sheba kaas oo ku yaal bariga caasimadda Tel Aviv.
Shimon Peres ayaa jagooyin kala duwan kasoo qabtay Israel, waxaana uu ka mid ahaa aas-aasayaasha dalkaasi ee aan aqoonsiga buuxa ka haysan inta badan waddamada Islaamka. Waxa uu soo noqday madaxweyne, r/wasaare iyo nabad-raadiye adduunka caan ka ah. |
|