Madaxweynihii hore dowladii KMG C/qaasim Salaad oo amaaney horumarka dowladu Somalia ee dhinacyada Siyaasada iyo Amaanka dalka

0
221

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr.  Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya ku amaanay horumarada dhinacyada badan leh oo ay ku talaabsatay,  isagoo shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarka dalka iyo amaanka.

Dr,  C/qaasim Salad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Qaahira ayaa ku amaanay dowlada Federaalka Soomaaliya horumarada ay dalka gaarsiisay,   isagoo tilmaamay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay taageeraan dowladooda.

’’Waxaan u arkaa horumar in la gaaray oo laga baxay KMG-nimadi an soo bilownay, arintaasina wa horumar dalku gaaray ha yeeshee loo baahanyahay dadka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba ineey si xoog leh u taageeraan dowladooda, dowladu wax yar ayeey jirtaa talaabooyinka ay hadda qaadeyna waa hordhac howsha lagu bilaabayo’’ Sidaasi waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

Dhinaca kalana Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay arrinta Jubooyinka isaga oo ku booriyay dadka deegaanka in ay dhistaan maamul ay raali ka yihiin dadka ku nool gobalada Jubooyinka.

‘’Jubooyinku waxey ka mid yihiin dalkeena Soomaaliya waxaana haboon in dadka deggan Jubooyinka ay dhistaan maamul ay raali ka wada yihiin oo ka madaxbanaan faragelin shisheeye, maamulkaasina waa inuu noqdaa 2 arimood waa mide waa inuu noqdaa maamul ay dadka goboladaasi deggan ay si dhab ah u doorteen, mida kale la socodka howsha iyo arimaha doorashada wa iney lahaataa dowlada dhexe’’ Ayu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xigasho Radio Muqdisho.