M/weynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaalida weydiistay inay dulqaad uyeeshaan weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.
M/weynaha ayaa si gaar ah uxusay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka Al-Shabaab lagula jiro.
“Si gaar ah Doorka Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dagaalka noocaasi ah waxaan ugu baaqayaa inay kaalintooda muujiyaan oo nimanka noocaasi ah ay la dagaalamaan”Ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu tilmaamay in Dowladda Federalka Soomaaliya ay qaadeyso tilaabooyin deg deg ah oo dhanka ammaanka ah, maadaama Al-Shabaab ficilada ay geysanayaan ay tahay mid Dowladda Soomaaliya aysan udulqaadan karin.
Dowladda Soomaaliya ayaa carooto kaliya marka Al-Shabaab ay geystaan fal weerar oo ay weeraraan xarumaha Hay’adaha Dowladda.