Muqdisho(INO) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh ayaa ka hadlay geeridii wariye Axmed Xasan Cawke oo magaalada Jigjira ee dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya ku geeriyooday saaka, isagoo ku tilmaamay wariye wax weyn kasoo qabtay Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray shacabka Somalia, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Cawke oo ka mid ahaa hawl-wadeennada kaalinta weyn kasoo qaatay war-baahinta Soomaaliya.
“Marxuum Axmed Xasan Cawke wuxuu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid kasta way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtay intuu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Cawke wuxuu door weyn ka soo qaatay, shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey wasaaradda warfaafinta, madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah intaba.
Ugu dabmeyn, marxuumka ayaa saakay aroortii ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, wuxuuna ahaa 73-jir, ifka uga tagay lix carruur ah. Waxaana maanta lagu aasayaa deegaanka Kalabayr oo ka tirsan maamulka Somaliland.
Idale News Online, Muqdisho