Madaxweyne Xasan Shiekh iyo Xildhibaanadii ka soo hor jeeday oo Xalay kulmay.

0
189

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa Xalay kulan Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Gudi ay soo xuleen Xildhibaanadii Madaxweynaha Mooshinka ka keenay.

Teaser Image Xasan Shiekh iyo Xildhibaanadii ka soo hor jeeday oo Xalay kulmayGudigaan oo Wakiil ka ahaa Xildhibaanadii Madaxweynaha ugu baaqay in uu iscasilo islamarkaana gaarayey ilaa 20 Mudane ayaa kulan ay Albaabadu u xiran yiin la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Keydmedia online u sheegay in qodobo dhowr ah,ay ka wada hadleen  Gudiga Xildhibaanada Wakiilka ka ah iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Idale News Online  ayaa heshay in Gudiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh  Maxamuud la kulmay ee ka socday Xildhibaanadii ku kacsanaa ay isku soo dhawaadeen si loo xaliyo Khilaafka jira.

Mas’uul u hadlay Gudiga Xildhibaanada  Madaxweynaha  ka soo horjeeda ayaa  sheegay in Qodobadii Madaxweynaha ay isla meel dhigeen ay ku Celindoonaan Xildhibaanada soo diray.

Waxaa jiray in Xildhibaano gaaraya 115 Xildhibaan ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ay ka gudbiyeen Bayaan ay ku Dalbanayeen in uu Iskacasilo Xilka ,maadaama uusan Dalka wax u qaban.

Idale News Online – MMuqdisho