Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey + Sawiro + Dhageysi

0
202

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu safarro shaqo ku tegay wadamada Japan iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa si diirran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka, R/wasaare Saacid, wasiirka Warfaafinka, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Saraakiil ciidan iyo xubno ka socday qeybaha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa ka warbixiyay safaradii madaxweynahu uu ku tegay wadamada Japan iyo Kenya, isagoo tilmaamay in shirirkii uu uga soo qeybgalay Japan iyo kuwii uu Kenya kula qaatay dhiggiisa dalkaasi iyo madaxweynaha maamulka Puntland ay dhamaantood kusoo dhamaadeen guul iyo is afgarad.

Dhageyso Wasiirka Warfaafinta oo Imaanshaha Madaxweyne Xasan ka hadlaaya [audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/06/wasiirka-warfaafinta-DFS-oo-ka-hadlaya-Imaanshaha-Madaxweynaha-.mp3

DSC00709 DSC00712 DSC00707 DSC00712 (1) DSC00715 DSC00732 DSC00774 DSC00757 DSC00766 DSC00784

 Idale News Online Mogadishu