Cadaado (INO) – Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh iyo Wafdi la socda ayaa Goordhow tegay degmada Cadaado, halkaas oo Amaankeedana aad loo Adkeeyay, Ciidanka Dowladda oo Nabad Sugid u badan iyo kuwa AMISOM ayaa si weyn uga Muuqda Cadaado kuwaa oo Amaanka sugaya.
Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha uu Berri furo Shirka Maamul ay Sameysanayaan Dadka Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo Halkaas ka Furmaya.
Madaxweynaha ayaa Magaalada Cadaado kula kulmi doono Odayaasha, Ergada iyo Mas’uuliyiinta kale ee ka qeyb Geleysa Shirka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku sugan Magaalada Cadaado.
Faafaahinta kala Soco Idale News Online
Idale News Online – Cadaado