Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ammaanay Doorka Dowladda Turkiga ee ku aadan taageerada arimaha Somaliya, xilli Dowladda Turkiga ay muujisay kaalin weyn oo ku aadan sidii Somaliya ay uga taageeri laheyd arimaha Ammaanka, Caafimaadka iyo Waxbarashada Somaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Turkiga inuu yahay Saaxiib Istaraatiiji ah oo Somaliya u fidiyay gacan taageero oo muuqato, xilli aduunka intiisa kale uu Somaliya ka sii jeeday.
“Turkiga waa Saaxiib Istaraatiiji ah, Xilli adduunka uu naga sii jeedo ayuu nasoo aaday, Shacabka Somaliyed waxaa uu ixtiraam u hayaa Turkiga iyo Shacabkiisa”. Ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlay Wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkiga.
Waxa uu ka hadlay Xasan Sheekh Maxamuud, arimaha Doorashooyinka, ammaanka iyo sidoo kale ammaanka goobaha Doorashooyinka ay ka dhacayaan.
“Dowladda Somaliya oo kaashanaysa ciidamada Amisom ee na caawiya waxa ay u diyaargarooben sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka, goobaha Doorashada iyo sidoo kale sidii ay uga jawaabi lahaayeen cid waliba oo isku dayeysa inay carqaladeyso Doorashada.” Ayuu yiri Xasan.
Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dowladda Somaliya ay diyaarisay lacagta doorashada uga soo aaday oo lagu sheegay 40% halka beesha caalamka ay bixisay 60%, isagoo intaa ku daray in doorashada waxa hortaagan aaney aheyn caqabad miisaaniyad ee doorashada ay heystaan oo keliya arrimo farsamo oo dhawaan la soo afjari doono.
Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtiga Xafiiskiisa shaqada uu ka dhamaaday, ayaa ah hada Musharax u taagan qabashada Hogaanka Somaliya mar kale, hadii uu ku guuleysto loolanka adag ee Doorashada uu u galaayo, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu musharax yahay, labaduba waxa ay hayaan Hantida Qaranka.