Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal soo gaaray wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxay goor dhaw gaareyn Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe, kadib markii ay ka soo amba baxeyn Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee agaalada Garoowe ku soo dhaweeyay
Masuuliyiin uu horkacaayay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).
Dadweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Garoowe, ayaa waxay maanta si weyn isugu soo baxeyn Magaalada Garoowe, waxayna si hagar la’aaneed ay u soo dhaweeyeen Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta loo adkeeyay si aan caadi ahayn, iyadoo wadooyinka waaweyn lagu soo daadiyay Ciidan dhawr nooc isugu jira, si’ay ammaanka u suggaan.
Idale News Muqdisho