Madaxweyne Xasan Sheekh oo amray in la soo xiro Cismaan Xaadoole.

0
211

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar adag ku bixiyay in la soo xiro Gudoomiyihii Degmada Balcad ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo Sabtidii dagaal looga saaray Degmadaasi Balcad.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), uu ku eedeeyay in uu noqday Dowlad-diid, sidaasi daraadeedna uu amraayo in Sharciga la horkeeno.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka carooday Ciidamadii Booliska ahaa ee Jimcihii lagu rasaaseeyay Buundada Degmada Balcad, iyagoo ku sii jeeday Magaalada Jowhar, kana yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay cid kasta oo rasaas ku furta Ciidamada Dowladda, in ay ula dagaalami doonaan, sida ay ula dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku cel celiyay inaan loo dulqaadin karin mid la mid ah falkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Degmada Balcad.

Xaadoole waxaa kaloo lagu eedeeyay Booliska Soomaaliya in uu ka dhacay gaari Toyota, hal qori oo RBG ah, 2 qori oo AK47 ah iyo bistoolad 15 qaad ah.

Madaxweynaha Somaliya

Idale News Online, Muqdisho.