Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal kaga hadlay Arimo kala duwan.
Madaxweynaha ayaa faah faahin ka bixiyey waxa keenay in la joojiyey dagaalkii ay la galayeen Al Shabaab oo ka socday qeybo katirsan Gobollada Dalka Somaliya isagoo sheegay in Xilli Roobaadka Guga ee la galay ay hakad ugeliyeen.
Waxa uu sheegay madaxweyaha in qorshe dagaal ay dajiyeen Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dawlada Somaliya islamarkaana ka hor inta Roobka bilaaban sidii la rabay Duulaanka uhirgalay.
Sidoo kale Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Cadaalad daro laga cawdo Hay’adaha Garsoorka isagoona sheegay inay dib uhabeyn ku sameyn doonaan Hogaanka hay’adaha Garsoorka.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa soo hadal qaaday Howlgalka Ciidanka Itoobiya inay ku yimaadeen Codsi Dawlada iyo Midowga Afrika isagoona tibaaxay in Hal Sano iyo Bar ay dalka ka howlgali doonaan.
Idale News Online,Muqdisho.