DHAGEYSO: Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay inuu soo dhisayo maamul lagu qanacsanyahay.

0
210

Baydhabao(INO)-Madaxweynaha cusub maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in maalmaha dhow soo dhisayo maamul leh tayo iyo aqoon suurta geliya in shacabka u adeegayo ka haqabtira baahiyahooda. 

Shariif xasan


Wuxuu shaaciyay madaxweyne Shariif Xasan in maamulka cusub dadaal u geli doono sidii dadka looga saari dhibaatada iyo waliba maamul xumida mudada badan soo ragaadisay,isagoona balan qaaday inuu ka shaqeyn doono midnimada iyo dib nabadeynta Shacabka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Sidoo kale,madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu la dagaalami doono ururka Al-shabaab,islamarkaana ku dadaali doono sidii Shabaabka looga saari dhamaan gobolada uu ka kooban yahay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu jeediyay Shariif Xasan ka dib xaflad shalay lagu qabtay magaalada Baydhabo,kaasi oo isaga lagu caleema saarayay.
Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ka kooban gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelada hoose.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here