Muqdisho(INO)-Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Muqdisho ku sugan ayaa waxaa hoyga uu degan yahay hareeyay xubno fara badan oo saf ugu jira saacad waliba qaabilaadiisa.
Xubnahan oo isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin iyo qurbe joog dooneysa inay jagooyin ka helaan golaha wasiirada cusub ee dhowaan la dhisi doono.
Shariif Xasan oo taageero ka heysta xildhibaanada ugu badan beeshiisa Digil & Mirifle isla markaana la aaminsan yahay inuu xilka u fududeeyay Cumar C/rashiid isbaheysina la leh madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda shakhsi ay dadka xilalka doonaya kala hadli karaan rabitaankooda si uu uga ergeeyo.
Xarunta Shariif Xasan ayaa noqotay goobta ugu dad iyo qaabilaad badan xafiisyada mashquulka ah maalmahan ee madaxda sare ee dowladda, waxaana arrintani ay ka danbeysay markii mas’uul kasta oo ka mida shanta nin ee ugu sareysa dalka loo xil saaray inuu soo xulo wasiirada beelahooda uga mid noqonaya golaha wasiirada, iyadoo la isku waafaqsan yahay.
Dhinaca kale Faarax Sheekh C/qaadir ayaa isna xafiiskiisa laga dareemay mashquul dhinaca qaabilaadda ah markii uu degdeg ugu soo laabtay shalay magaalada Muqdisho si uu saameyn ugu yeesho magacaabidda golaha wasiirada cusub.