Madaxweyne Shariif Xasan oo ka hadlay wixii uga qabsoomay Muqdisho.

0
184

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan oo la rumeysan yahay in uu qeyb weyn ka ahaa dadaalada Siyaasaded ee ka jiray caasumada Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, isagoo la kulmay dhinacyada magaaladaas.

shxasan

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa casumada dalka u aaday xalinta khilaafka Madaxda dawladda Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in uu yahay maskaxda ka dambeysa isku keenida labada dhinac, waa Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha dalkee.

Madaxweynaha Dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in uu wax badan kala hadlay madaxda dawladda, isla markaasna ay isla soo qaadeen horumarinta dalka iyo dhismaha maamulkiisa, isagoo tilmaamay in ay taageero wanaagsan ka heleen Madaxda dawladda Soomaalida.

Shariif Xasan oo ay sii galbiyeen Xildhibaano, Wasiiradii ka tirsanaa Xukuumada ee dhismaha maamulkiisa qeybta ugu weyn lahaa, ayaa ugeeyey caasumada, si madaxda loogu qanciyo dhismihiisu in uu ahaa si sharci ahna ku yimid.

Madaxda dawladda Soomaaliya qaarkood ayaa balan qaaday in ay ka qeybgalayaan Caleema saarka Madaxweyne-nimada Shariif Xasan Sheekh Aadan, taas oo dhawaan ka dhacaysa magaalada Baydhabo laftigeeda.

Idale News Online, Baydhabo