Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa habeenimadii jicmihii afur iyo casho sharafeed Muslimiinta, dalkaas iyo dublamaasiyiinta dalalka Islaamka Matala ugu sameeyay aqalka cad ee looga taliyo dalkaas.
Dhinaca kale Madaxweyne Obama ayaa muslimiinta dalkaas ku booriyay in ay ka shaqeeyaan horumarinta mushtamacooda, waxaanu soo daliishaday Ayaada Quraanka ah, ee [Qofkii sameeya wax yar oo khayr ahi wuu arki doonaa], aayadaas oo ku jirta suurada Sulsulid, waxa uu tilmaamay sida qof kasta oo wax qabta uu abaalkeeda u helayo.
Afur sharafeedka bisha Ramadaan muslimiinta loogu sameeyo Aqalka cad ayaa ka bilaabmay wakhtigii uu xukunka dalkaas hayay, Madaxweyne Bill Clinton, ka dibna waxa qabtay George W. Bush, Obama laftiisuna wuu sii xoojiyay caado sharafeedkaas sida aqalka cad bayaan laga soo saaray lagu sheegay.