Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa maanta Hotelka uu ka deganyahay magaalada Muqdisho ee Dayax kulan kula qaatay odoyaasha beesha Wardaay ee dega gobollada Jubooyinka.
Madaxweynaha ayaa odoyaashii uu kulanka la qaatay ka dhageystay warbixin ay uga hadlayeen xaaladda guud ee gobollada Jubooyinka iyagoona sidoo kale Madaxweynaha usheegeen inay xiriir la sameeyeen Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed oo ay ku wargeliyeen inay ka qeybqaadanayaan dhameystirka dhismaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Odoyaashan ayaa Madaxweynaha u sheegay inay dhawaan tagayaan Magaalada Baydhabo si ay uga qeybqaataan soo xulida xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Madoobe Nuunow oo madasha ka hadlay ayaaa u ballan qaaday odoyaasha beesha Wardaay inay xaqooda ka heli doonaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Gabagabadii Ugaaska beesha Wardaay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qaab dhismeedka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayna geed dheer iyo mid gaaban u korayaan sidii dhibaatada daba dheeraatay looga saari lahaa shacabweynaha Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed oo wada hadal kula jira Madaxda Dowlada Muqdisho ayaa dhanka kale waxa uu kulamo kala gedisan la qaadanayay waxgaradka Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Idale News Online