Madaxweyne Madoobe Nuunow oo diiday la kulanka Madaxweyaha DF soomaaliya.

0
191

Sida la og yahay waxa kusugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud kaasi oo ay ku wehlinayaan safarkiisa xubno katirsan labada gole iyadoo sidoo kale shalay gelinkii dambe uu tagey magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Baarlmaanka Jawaari.

Waxa jirtay kulamo uu la qaatay madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool iyo qaar kaloo ka mid ah saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee seddexda gobol ee Bay,Bakool iyo Gedo.

Madaxweynaha ayaa codsaday inay la kulmaan hogaanka maamulada is khilaafsan ee Baydhabo ka jira laakiin waxa kasoo horjeestay arintaasi mamaulka Madoobe Nuunoow Maxamed una diday garabka seddexda gobol ka kooban inay la kulmaan madaxweynaha iyagoo ku dalbaday banaanbaxayaal inay is hortaagaan.

Madoobe Nuunow

Idale News Online, Baydhabo.