Wafdi uu hugaamanayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka K.Glbeed Somaliya Maxamed Xasan Fiqi oo shalay gaaray Degmada Numbar50 ayaa maanta waxa uu booqasho uu ku tagay qaar ka mid ah Tuulooyinka Hoos taga Degmadaas.
Deegaanada uu Booqaday M.weyne ku xigeenak ayaa waxaa ka mid Buushka, Numbar60, Hareeralay, Ceel wareegow, Sagaarole iyo Deegaano kale kuwaa oo uu u kuur galyey xaaladaha ay ku sugan yihiin Dadka Deegaanadan ku Dhaqan.
Deegaanada uu wafdiga booqday ayaa kulamo kala duwan waxaa uu kula soo qaatay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhqan Deegaanka kuwaa dhamaantood ka war bixiyey xaaladaha ka jira Deegaanka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin wafadiga soo gaaray Deegaanada hoostaga Numabar 50 oo inta badan ay ka dhaceen Dagaalo Bilow u ahaa Xoreynta gobolka Sh.Hoose.
Qaar ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaay in Deeganadooda ay gaaraan wafdi ceenkaan oo kala ah taas oo ka dhigan in mar kasta ay sugi doonaan wafood kala duwan oo soo boqanaysa Gobolka Sh.Hoose.
ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in wafdiga ay u Gudbi doonaan Degmooyin iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Sh.Hoose, sida ay sheegayaan ilaha aan warkan kasoo xiganay Meelaha uu booqan doono M.weyne ku xigeenka waxaa ka mid ah Degmada Qorayoole iyo Deegaano kalae oo Hoostaga Degmadaas kuwaa oo hada laga dareemayo Diyaar garow ku aadan soo Dhaweynta Maamulka K.Galbeed Somaliya waxaan sidoo kale jira warar iyagana aan ka helayno meelaha uu ku wajahan yahay wafdiga uu hugaaminayo Maxmed Xasan Fiqi kaa oo xaqiijinaya in Si weyn loo adkeeyey ammaanka Deegaanada uu ku wajahan yahay Wafdiga halkaas oo kulamo kala duwan uu kula soo yeelanaayo dadka Deegaana.
Maamulka K.Galbeed Somaliaya ayaa u muuqda mid taageero ballaaran ka helaya Guud ahaanba Gobolka Sh.Hoose xilli Maamulkan loo arko inay u wada dhan yihiin Dadka Deegaanka oo in badan la daalaa dhacayey dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmeen Mooryaanta Qaran Diidka oo Dagaalo ahli ah ka wada Gobolka Sh.Hoose.
Idale News Online, NO.50, Gobolka Shabellaha Hoose.