Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo Sheekh Axmed Madoobe oo ku kulmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0
220
Waxaa maanta June 7, 2013, kulan ku yeeshay magaalada Nairobi Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo  Sheikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe),  wuxuuna kulankaasi saakay ka dhacay hotelka uu Madaxweyne Farole ka degan yahay magaalada Nairobi.
Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Rai’sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmake, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, Gudoomiyaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Shiikh Maxamad Maxamud Yusuf (Aw Libaax), iyo mas’uuliyiin kale.
Waa markii ugu horeysay uu Madaxweyne Puntland Farole oo aad u taageera Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hogaamiyo la kulmo tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha ee Jubaland State, May 15, 2013, oo ay doorteen Ergadii Shir uga socday qaar ka mid ah ergooyinka beelaha deegaanka ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Idale News Online