Madaxweyne Dr.Gaas oo ku fashilmay Siyaasado gaar ah oo uu ka lahaa Dowlada Fedederaalka

0
216

Garowe(INO)-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa ku gacanseeray wada hadal qadka Telka uu kula qaadanaayay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/weli Gaas uu arrintaasi u adeegsaday Prof C/risaaq Cismaan Juriile oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii dalka soo maray, iyadoona warar hoose ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu ka cudur daartay in Khadka Telefoonka uu kaga hadlo arrimo la xiriira Siyaasada dalka.

C/weli Gaas ayaa waxa uu wakhti badan ku bixinayaa hirgalinta Heshiisyo hoosaad uu la galay Madaxweyne Xassan waxaana heshiisyadaasi kamid ahaa in Madaxweyne Xassan uu fududeeyo Siyaasado C/weli Gaas kaga xiran Wadamo dhowr ah.

Inta badan wadamada xiriirka kala dhexeeyo Somalia ayaa lagu wadaa in si kumeel-gaar ah ay u hakiyaan deeqihii ay ku fangareyn jireen Maamulada Gobolada dalka, kadib markii ay talaabooyin adag qaaden Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo tan Iskaashiga caalamiga.

Dhanka kale, Prof C/risaaq Cismaan Juriile ayaa ku howlan dadaalo uu ku hirgalinaayo Damaca Siyaasadeed ee Madaxweynaha Maamulka Puntland.

 Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here