Madaxweyne C/weli Gaas oo Puntland geeyay arintii uu ku hayn jiray ciidamada dowladda!!

0
169

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa halkaasi geeyay qorshe Mushaar la’aan ah oo uu ku hayn jiray xilligii uu Ra’iisul wasaare ahaa dowladii KMG ahayd ciidamadeeda.

Waxaa hadda mushaar la’aan muddo Afar bilood ah ciidamada maamulka Puntland, waxaana maanta Garoowe ka dhacay dibad bax ay dhigaayeen ciidamada Daraawiishta maamulkaasi.

Saraakiisha ciidamadaan ayaa sheegay in Muddo Afar Bil ah aysan helin wax mushaar ah, halka markii uu Faroole joogay ay heli jireen bil walba lacagtooda.

Dhanka kale Gaas kama aanu hadlin sababta keentay in ciidamadaan ay Mushaar la’aan noqdaan, iyo eedaan la jeediyay.

Gaas

Idale News Online.