Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shirweynihii qaran ee looga hadlayay horumarinta xanaanada xoolaha, kaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin iyo quburo ku xeel dheer arrimaha xaneeynta xoolaha.
Shirkan oo socday muddo afar cisho ah, islamarkaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanda Xoolaha ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sida lagu horumarin karo xanaanada xoolaha, iyadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah.
Dr Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah quburadi kulanka ka qeyb galay oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahanyahay in lafuro xaruntii hore ee xanaanada xoolaha ee ay lahaan jirta Wasaaradda, isagoo xusay in la hubiyo xaaladda caafimaad ee xoolaha.
Wasiirka Wasaarada Xanaanda Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan shirarka nuucaani oo kale ah oo lagu horumarinayo xoolaha dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray shirka ayaa hoosta ka xariiqay in shirarka lagu horumarinayo xanaanada xoolaha uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo shacabka, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dhiirigeliyo shirarka nuucaani oo kale ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socda Maamullada Puntland, Galmudug, quburo arrimaha xoolaha ku taqasuustay iyo mas’uuliyinta Wasaarada Xanaannada Xoolaha.waxana Shirkaani Furay oo Khudbad ka jeediyay Ra’isal Wasaraha Xukuumada Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Idale News Online,Muqdisho.