Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa maanta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaan wali la shaacin sababta rasmiga ah ee imaatinkoodu uu salka ku hayo, hase ahaatee waxay kulan la yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland sida ay noo xaqiijiyeen qaybo ka mid ah mas’uuliyiinta Puntland.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ahaanba magaalada Garowe, waxaana xilligaan la joojiyay isticmaalka gawaarida iyo qaybaha bulshada ee laaamiga, iyadoo dhammaanba wadooyinka iyo jidadka Garowe lagu daadiyaya ciidamada ammaanka oo ku hawlan sidii nabadgalyada loo adkayn-lahaa.
Idale News Online, Muqdisho