Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inuu xilka si rasmi ah uga qaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo xilka haayay muddo sanad ah, markii loo magacaabay.
Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo ka mid ah waxgaradka reer Muqdisho ayaa sheegay in Muungaab uusan istaahil inuu xil u qaado shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku dhaliilay hadal dhawaan uu Muungaab ka jeediyay xarunta Gobolka Banaadir, hadalkaasi oo macno badan loo fasirtay.
Muungaab ayaa hadalkii uu jeediyay wuxuu ku sheegay in xersiga Gobolka Banaadir uu yahay mid xiran, sidoo kalena uusan u jixin jixeyn waxa uu ku sheegay qeylada dabacada, isagana wuxuu isku tilmaamay inuu yahay nin Askari ah oo ad adeeg kaliya ah, uusana u joojineyn qeylada dawacada sida uu yiri.
Hadalkaasi oo Warbaahinta laga baahiyay ayaa dadka reer Muqdisho ay aad ula yaabeen, markii ay maqleen Duqa Muqdisho oo sidaasi u hadlaya, waxaana Imaam C/laahi Khaliif Rooble uu sheegay in Muungaab uu meel uga dhacay bulshada reer Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho ay ku qanci karaan xilka in laga qaado Muungaab, xitaa hadii hadalkiisa uu raali gelin ka bixiyo aysan ku qanci karin, bulshada maadaama hadalka uu sheegay uusan ka fiirsan isaga oo xil u haayo Bulshada Soomaaliyeed.
Imaam C/laahi Khaliif Rooble ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in xilka si rasmi ah uu uga qaado Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, maadaama hadalkaasi meel ka dhaca ah uu jeediyay, wuxuuna sidoo kale fariin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadan inay ka hadlaan hadalkii Muungaab uu jeediyay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa hada ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, welina kama uusan hadlin hadalka kasoo baxay Imaam C/laahi Khaliif Rooble oo Madaxweynaha loogu baaqay inuu xilka ka qaado Duqa Muqdisho.