Madaxweynaha Soomaaliya oo kuguda jira la tashiyadii ugu dambeeyay ee soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha

0
192

Muqdisho(SHL-NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kuguda jira latashiyadii ugu dambeeyay ee uu kusoo xulanaayo shaqsiga uu u dooran lahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.

News_live

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada Soomaaliya wuxuu kula kulmay Xildhibaanada diidanaa inay dhacdo Xukuumadda, waxa ayna kawada hadleen arimo ku aadan in lagala tashado soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.
Xubnaha Xildhibaanada ee diidanaa inay dhacdo Xukuumadda Soomaaliya ayaa Madaxweynaha wuxu usheegay in la tashiyo uu kala sameeyo Madaxweynaha qofka uu u xulanaayo soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka.
 Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la tashi ah wuxuu la leeyahay xubnaha la taliyeyaasha u ah isaga wuxun kala tashanaya qofka uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabi lahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo uu magacaaboi Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana jira hadal hayn badan oo ku aadan shaqsiga.
Dadka Siyaasada ka sheekeeya ayaa hadal haayo xubno xilal horay uga soo qabtay dowladihii dalka soomaray in laga yaabo in Madaxweynaha mid kamid ah ragaasi uu uxusho Ra’iisul Wasaare.
Raga sida aadka ah loo hadal haayo ayaa waxaa kamid ah Cumar C/rashiid oo Ra’iisul Wasaare horay usoo noqday, hadana ah Safiirka USA ee Soomaaliya iyo C/qaadir Sheekh Cali Diini oo mar soo noqday Taliyihii ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho