Jowhar(INO)- Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaallka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar kaga qeyb galaan xafladda caleema saarka madaxweyaha cusub ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Sidoo kale munaasabdda caleema saark ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan wafdi ka socda beesha caalamka.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa la adkeeyey, waxaana la hakiyey qeybo ka mid ah magaalada isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.