Madaxweynaha oo Ugu Baaqey Dadka Ka soo Horjeeda Inay Fiiriyaan Shaqooyinka Wasaaradaha.

0
171

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda Dowladiisa inay fiiriyaan shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradaha Dowladda iyo hanaanka ay ku shaqeeyaan.

Xasan Sheekh MaxamuudXasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo la xisaabtanka Dowliga, balse muhiim ay tahay in la eego hanaanka Dowladda ay ku shaqeyso.

Waxaan leeyahay afkaarta waa xor,. Madaxweynaha Jamhuuiriyadda federaalka Somaaliya ahaan waxaan diyaar u ahay inaan la fadhiisto cid kasto oo Soomaali ah oo tabasho qabta oo aan dhageysto tabashadooda cid kasto Soomaali ah oo rayi Soomaaliya lagu horumarinayo heysana in aan ka dhageysano oo aan ka qaadano ayaan diyaar u nahay. Dhaqanka Dowladdnimadda aan ilaalino waliba Dowladnimadda dhaxdeeda aan ku ilaalino” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo Kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “ Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa in qiimeyn dhab ah la qiimeeyo Waxqabadka Dowladda gaar ahaan hey’adaha Dowladda iyadoo aan la siyaasadeyn. Soomaaliya meelbey ka timid meel ayeyna u socotaa, Soomaaliya Dowlad ayey yeelatay Dowladdnimaduna waa sii xoogeysaneysaa”.

130 Xildhibaan oo Baarlamaanka dalka ka tirsan ayaa Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka waxa ay ugu baaqeen inuu baneeyo kursiga ugu sareeya dalka Soomaaliya ee Madaxweyinino.

Idale News Online, Muqdisho.