Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay markii ugu horeysay soo daahitaanka Magaacbista Golaha Wasiirada Soomaaliya oo laga dhul sugayo Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh.
Hogaamiyaha dalka Soomaaliya ayaa xusay in Baarlamaanka uu muujiyo dulqaad badan, dhawaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay kasoo dhamaan doonto gacantiisa Golaha Wasiirada, kadibna Baarlamaanka loo gudbin doono.
Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu maalmahan waday la tashiyo ku aadan shacabka Soomaaliyeed, maadaama la dhageysanayo sida uu yiri shacabka Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka hadlo daahitaanka ku yimid magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa soo magacaabista Golaha Xukuumadda.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka jeediyay xaflad lagu furaye xarunta Villa Hargaysa oo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka ay ku shaqeyn doonaan.