Madaxweynaha oo ka hadlay Safiirada Fariisinka ka sameystay Xalane

0
193

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlayay safiirada caalamka ee ka shaqeysa magaalada Muqdisho ayaa ku amaanay Safiirada Jaamacada Carabta inay yihiin Safiirada kaliya ee Safaaradahooda ku yaalaan gudaha Muqdisho gaar ahaan goobaha ka fof Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,isagoona dhanka kale sheegay in Safiirada kale ay ku shaqeeyaan gudaha Airoporka. 
xasan sheekh
Wuxuu sheegay Xasan Sheikh in Safiirada Jaamacada carabta oo ah seddeed Safiir ay wehliyaan kaliya oo safaaradooda ay ku taalo banaanka Garoonka diyaaradaha Dowlada Turkiga oo ka mid ah Dowladaha sida aad ah garab istaagta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amaanay Safiirada Jaamacada Carabta howsha adag ay dalka gaar ahaan Muqdisho ka hayaan,isagoona tilmaamay in Safaaradaha kale ee ku shaqeeyaan gudaha Airoporka.

Hadalkaan ayuu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya kulan shalay uu gudaha Garoonka kula qaatay wafuud caalami ah oo ka socotay Jaamacada Carabta oo Muqdisho soo gaaray. 

Idale News Online, Muqdisho