Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah furay kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka Soomaaliya.
Inta badan xildhibaanada baarlamaanka ayaa jogay kulanka ee baarlamaanka ee xarunta golaha shacabka, waxaa kaloo ku sugnaa oo shir guddoominaayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo labadiisa ku xigeen.
Madaxweynaha oo halkaas qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay sannadkan wax yaabo badan oo ay ka mid tahay in ay soo saaraan sharciyada lagu dhaqayo dalka si loo gaaro 2016- doorasho xor ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa kaloo uu sheegay in dowladda ay wax ka qaban doonto ammaanka caasimada oo maalmihii ugu dambeeyay ay qaraxyo ka dhacayeen.
Isku soo duub muddo bil iyo 13 cisho ah ayuu fasax ku maqnaa baarlamaanka, waxaana horyaalla howlo badan.
Idale News Online, Muqdisho.